Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Nuur Cadde oo ka Hadlay Khilaafka Isaga iyo Madaxweynaha u Dhaxeeya
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 09 2008
Nuur Cadde oo ka Hadlay Khilaafka Isaga iyo Madaxweynaha u Dhaxeeya
Written by Ali Moallim   
Saturday, 09 August 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa farta ku fiiqay  khilaafka xoogan ee u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed meesha uu ka yimid.

 

Ra’iisul wasaaraha  ayaa sheegay in khilaafka uu ka  yimid, markii Xukuumadiisa tallaabo dhinaca nabada ah u qaaday furitaanka Wadooyinka iyo dib u soo celinta dadkii ka qaxay Magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in is casilaada ay ku dhawaaqeen todobaadkii hore qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa ahaayeen kuwo  qasbay, lana doonayay in Golaha Wasiirada lagu tiro yareeyo si Kulamada Golaha Wasiirada uusan u buuxsamin islamarkaana loo qaban fadhiyada Golaha Wasiirada.

 

 Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Furaha kaliya ee Nabada waxaa  lagu gaari karaa  waa Dib u heshiisiinta, meel wanaagsan ayayna mareysaa hada”, wuxuuna  sheegay in heshiiskii ay dhinacyada Dowladda Federalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku gaareen Magaalada Djibouti mar kale dhawaan si rasmi ah loogu saxiixi doono Dalka Sacuudiga, inkastoo uusan waqti sheegin Ra’iisul wasaaraha.

 

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa uu Gaashaanka ku dhuftay in khilaafka madaxda sare ee dowladda uu keeno    mid keen in Dowladda lagu kala tago, wuxuuna ka digay in la adeegsado Awood Maquunin iyo in Sharciga iyadoo la adeegsanayo hadana lagu tunto, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraalkii uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre, kaasi oo sheegayay  in Ra’iisul Wasaaraha uu ku qaldanaa xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.

 

“Ma aha inuu  Xeer ilaaliyaha ka hadlo wax  uusan shaqo ku lahayn” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Nuur Cadde wuxuuna sheegay inaysan ahayn inuu soo dhexgalo arrimahaasi ku saabsan is haysadka Madaxda Dowladda sare.

 

Dhinaca kale Ra’iisul wasaree Nuur Cadde waxa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha ayuu ugu baaqay Ra'isal Wasaare Nuur Cadde in uusan sameynin wax sharciga ka hor-imaanaya, wuxuuna sheegay in Xeer ilaaliyaha howshiisa ay tahay kaliya in uu sharciga ilaaliyo, isla markaana  dacwado soo oogo marka dembiyo la galo.

 

 





 
Comments (1)add
...
written by Abukar Omarsson , August 09, 2008
Aniga wexey ila tahay wasiirkaan kowaad ee somaliya maanta leedahay wuxuu noo hogaaminayaa nabad iyo barwaaqo ee hala dhegeysto!

Abukar
report abuse
vote down
vote up
Votes: +0
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >